Sunday, June 28, 2026
25 C
Mogadishu

4 Carruur ah oo ku dhimatay darbi ku soo dumay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley, ayaa sheegaya in darbi uu ku soo dumay dad barakacayaal ah, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xero lagu magacaabo Malable oo ku taallo deegaanka Garasbaaley una dhaw goob dhismo hore darbi ah ayaa waxaa dhacday inuu soo dumay darbigii, kadibna carruurta ay ku geeriyoodaan.

Saddex carruur oo jiiftay iyo gabar yar ayaa ku dhimatay darbigaasi soo dumay, waxaa dhaawac uu soo gaaray qof kale sida goobjoogayaasha ay Warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen.

Dadkaan oo Barakacayaal ahaa ayaa saameyn adag waxaa ku yeeshay roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Xilliyada roobka ayaa waxaa saameyn adag uu ku yeeshaa dadka masaakiinta Barakacayaasha oo degan goobo cariishado ka sameysan, taasi oo ay u sii dheer tahay in xilliyada qaar darbiyada sidaan oo kale ugu soo dumaan.

Weli kama aysan hadlin maamulka Garasbaaley arrintaan, balse dadka degan Kaamka ayaa ku mashquulsan sidii aas loogu sameyn lahaa carruurta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...