Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

RW Xasan Cali Kheyre oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo la socday diyaarad gaar ah ayaa ka degay Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyneyaasha maamullada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ku soo dhaweeyay Garoonka Ugaas Nuur.

RW Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa in loo galbiyo Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona uu ku nagaan doono.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb kaga sii horeeyay xubno ka tirsan Shaqaalaha Xafiiskiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah, kuwaa oo barqanimadii maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Mr. Khayre ayaa ka jawaabaya war-murtiyeedkii habeen hore laga soo saaray shirka Dhuusamareeb, kuna aadanaa in Madaxda Dowladda Federaalka ka soo qaybgalaan wejiga 2aad ee shirka Dhuusamareeb.

Sida uu qorshuhu yahay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna lagu wadaa in maalmaha ina soo aadan uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in wejiga labaad ee shirka uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb, waxaana si fool ka fool ah isu horfariisan doono Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...