Wednesday, October 29, 2025
26.6 C
Mogadishu

Dhaqaatiir ka socota dalka Itoobiya oo Caasimadda Muqdisho soo gaaray

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Madax kale oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddi hordhac u ah dhaqaatiir u dhalatey Dalka Itoobiya oo ka qeyb qaadan doono daaweynta dhaawacyada.

Wasiirka ayaa kala wareegey Dawo qeyb ka ah gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Sidoo kale, dowladda Itoobiya ayaa laga filayaa dhaqaatiir kale maanta ay Soomaaliya soo gaareen Dawo iyo guddiga hordhac u ah khubarada ay soo diridoonaan dhanka qaliinada ah ee ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo Daweeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii isxigxigey ee Argagixisada Al-Shabaab ka geysteen Isgoyska Zoobe 29-kii October.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey dhaqaatiirta taqasus u leh Kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii Zoobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya oo Dawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin iyo dhaawacyada u baahan qaliimada wajiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...