Joe Biden oo Digniin culus ka soo saaray doorasho ka dhaceysa dalka Mareykanka

U.S. President Joe Biden speaks about Russia in the East Room of the White House, Thursday, April 15, 2021, in Washington. (AP Photo/Andrew Harnik)

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa uga digay musharrixiinta diida in laga guulaysto doorashada xilliga dhexe ee toddobaadka soo socda ay qaranka u horseedi karaan wadadii fowdada.

Biden oo la hadlay taleefishinka qaranka ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay u midoobaan mucaaradka  doonaya in rabshado siyaasadeed ay u adeegsadaan codbixinta 8 November.

Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Donald Trump iyo taageerayaashiisa ay ka ganacsanayaan beenta shirqoolka iyo xumaanta,halka Jamhuuriyinta ay tilmaameen in Biden uu doonayay inuu kala qaybiyo oo uu leexiyo fikirka xisbiga.

Waxaa la saadaalinayaa in xisbiga Jamhuuriga ay ku guuleysan doonaan xukunka Aqalka Wakiilada, halka Aqalka Senetka aan la ogeyn xaaladda uu ku dambeyn karo.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in dalka Mareykanka ay ka bilaabato tartanka loo galayo doorashada xilligga dhexe ,taas oo lagu dooran doono labada aqal ee Congress-ka , gudoomiyaasha gobolada  iyo tan golayaasha deegaanka.

HalQaran News Desk, Nairobi
Halqarannews@gmail.com