Saturday, May 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Wasiir Goodax Barre oo shaaca ka qaaday sababta ay ‘Ardayda Muqdisho’ ugu dhaceen Imtixaanka

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-Hayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in dhowr arimood ay sabab u tahay inay Imtixaanka ku dhacaan ardaydii ugu badneyd oo Imtixaanka ku galay Caasimadda Muqdisho.

Mar uu Wasiir Goodax Barre uu la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan Iskuulo sigaar ah loo leeyahay oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaas oo Ardayda fasalada qaar ka bootiya ama ka gudbiya, taas oo keentay in Waxbarashadooda ay liidato.

Wasiir Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay, inay wadaan qorshooyin la xiriira baaritaanno lagu sameynayo iskuulada ku yaalla dala si loo hubiyo tayadooda waxbarashada si carruurta Soomaaliyeed wax u bartaan.

Si kastaba, wasaaradda waxbarashada ee DF Soomaaliya ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqday natiijada imtixaankii ay qaaday, waxaana sanadkaan dhacay 8.550 Arday oo ku dhawaad 8,000 oo kamid ah ay ahaayen Ardaydii wax ka baraneysay Gobolka Banaadir.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Wasiir Goodax Barre:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...