Sunday, May 31, 2026
26.7 C
Mogadishu

Dhageyso Wareysi: Madaxweynaha Puntland oo si adag uga hadlay Shirka fashilmay ee Afisyooni

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah-faahin ka bixiyey shirkii madaxda DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Muqdisho oo Arbacadii maanta natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

Wasiirka warfaafinta ee XF Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa fashilka shirkaasi ku yimid waxa uu ku eedeeyey madaxda Jubbaland iyo Puntland, oo uu sheegay in aysan rabin in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in qoraalka iyo muuqaalka dowladda sii deysay uu ahaa wax horay u diyaarsanaa.

“Waxaa la yaab leh maanta oo dhan waa shireynay, dhowr maalmood ka horna waa shireynay waxaase caddaatay qoraalka iyo muuqaalka ay sii deysay dowladda uu ahaa mid horay u diyaarsanaa, Wasiirka maanta hadlay dabcan wuu nala joogay maanta dharka uu watay iyo kii codka ku qabtay kii uu watay maaha, wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, mas’uuliyadeeda cida howshaas qabatay ayaa qaadi doonta”, ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland Deni.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay cadahay in dowladda aysan rabin shirka looga hadlayo sidii dalka doorasho loo wada dhan yahay loo qaban lahaa, isagoona xusay wixii maanta dhacay inay yihiin tusaalaha in la doonayo in la afduubto doorashada, sida uu wareysiga ku sheegay.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Madaxweynaha Puntland oo dhammeystiran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...