Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Somaliland oo war culus ka soo saartay ka qeybgalka caleema saarka Axmed Madoobe

Hargeysa (Halqaran.com) – Waxaa maalmihii la soo dhaafay jiray muran ka dhashay in Xildhibaano ka tirsan Somaliland ay ka qeyb-galayaan Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana taasi ay keentay in Somaliland ay go’aano kasoo saarto ka qeyb-galka Xafladaha iyo shirarka u dhaxeeya dadka Soomaaliyeed.

Garyaqaanka guud ee Somaliland Cabdi Samad Cumar Maal ayaa sheegay in Sharciga u yaalla Somaliland uu qabo in qof walba ha ahaado Siyaasi, Aqoon yahan iyo cid kasta in uusan ka qeyb-geli karin Arrimaha siyaasiga ee Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka kaliya ee ka qeyb-galaya Xaflad ama arrimaha siyaasiga Soomaaliland ay tahay xukuumadda, taasina ay horay u saxiixeen labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland.

”Cid kasta oo ka qeyb-gasha wada-hadallada ama Xafladaha Arrimaha siyaasiga Soomaaliya ama ku taageerta ficil iyo qoraal waa dambiile galay qiyaano qaran xilkiisana ku weeynaya laguna xiraayo, wuxuuna hoos u dhigay maqaamka Somaliland ayuu yiri” Garyaqaanka guud ee Somaliland.

Halka Hoose ka dhageyso go’aanka Somaliland:

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...