Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Maxaa ka jira in ciidanka Jubuuti ee AMISOM oo muddo sanad ah mushaar qaadan?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidanka dowladda Jabuuti ee ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in aysan mushaar qaadan tan iyo December sanadkii 2018-kii.

Wargeyska Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in Midowga Afrika uu bixiyay mushaarka Ciidanka Jabuuti ee ku jira AMISOM hayeeshee dowladda Jabuuti aysan ciidankeeda siinin mushaarkii ay la haayeen.

Guutada lixaad ee Ciidanka Jabuuti oo beddelay midda afaraad ee ku sugnaa Jalalaqsi ayaa la sheegayaa in tan iyo xilligaas aysan wax mushaar ah qaadan.

Midowga Yurub oo bixiya Mushaarka AMISOM ayaa lacagtaas ku wareejiyay Midowga Afrika,waxaana Askarigiiba helayaa bil kasta lacag dhan $800 oo doollarka Mareykanka ah iyada oo Midowga Afrikana ku wareejiyay dowladda Jabuuti.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Midowga Yurub ayaa 20% dhimay mushaarka Ciidanka AMISOM sanadkii 2016kii, waxaa ay sidoo kale  dowladaha ay Ciidamadaas ka socdaan ayaa waxaa ay sii jartaan 20% oo ah waxa lagu sheegay qarashaadka maamulka.

Askariga ayaa waxaa u soo haraya $800 doollar bilkasta, taas oo inta badan Askarta kale ay qaataan, hayeeshee kuwa Jabuuti ka cabanayaan in aan wali la siin lacagtaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...