Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo Digniin culus u dirtay maamulka Jubbaland (Maxaa cusub?)

Madaxweynaha Jubbaland, Ahmed Madoobe

Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumada Soomaaliya ayaa digniin adag u dirtay maamulka Jubbaland, waxaana ay sheegtay in tilaabo laga qaadi doono hadii ay isku dayaan in ay hor istaagto qorshaha cusub ee dowladdu ku wajaheyso deegaanada maamulka Jubbaland.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in qorshaha cusub ee soo xulista baarlamaanka Jubbaland iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland Cidii ka hor timaada ay diidan tahay Nabadda.

”Cidkaste oo si kulac ah u hor istaagta qorshaha nabadeynta iyo maamul dhisidda waxaa loo aqoonsan doona Caqabad nabadda hor taagan waxaana lala tiigsan doona Sharciga” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Si kastaba, Khilaafka ka dhex taagan dowlada dhexe iyo maamul goboleedka Jubbaland ayaa sababay in dowladda Soomaaliya ay xayiraad saarto Magaalada Kismaayo, taasoo ay kala kulantay falcelin aan wanaagsaneyn oo bulshada kaga timid.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...