Hargeysa (Halqaran.com) – Dawladda Seychelles ayaa Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiiskii uga yaalay maxaabiistii burcad-badeedda ku eedeeysnaa ee todobaadkan Madaxweynaha Somaliland uu cafiska u fidiyey 19 maxbuuus.
Maxaabiistaas ayaa waxaa la keenay magaalada Muqdisho kadib markii odayaal ka tagay magaalada ay kala soo wareegeen maamulka Somaliland, hayeeshee Somaliland ayaa hadalka Dawladda Seychelles jawaab ka bixisay.
Cabdisamad Cumar Maal, garyaqaanka guud ee Somaliland ayaa waxaa uu faah-faahin ka bixiyay heshiiskii horay u dhexmaray Somaliland iyo Seychelles.
Garyaqaanka guud ee Somaliand ayaa ka jawaabay eedeyntii uga timid Seychelles.
Hoos ka dhageyso Jawaabta la siiyay Seychelles:
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com