Guddoomiye Mursal: ”2021-ka Doorasho qof iyo Cod Waa ay Dhacaysaa”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in gudaha dalka lagu qabto sanadka 2021-ka doorasho qof iyo cod.

Mar uu la hadlayay TV-ga Horn Cable ayuu sheegay in Guddoonka golaha shacabka uu dadaal badan galin doono sidii doorasho dalka uga dhici leheyd, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in dalka ka qabsoonto doorasho ka duwan tii sanadkii 2016.

Gudoomiye Mursal ayaa ugu baaqay axsaabta siyaasada ee dalka ka jira in ay u diyaar garoobaan ka qeyb galka doorashadda qof iyo cod,madaama horey loogu balamay.

”Annaga waxaan Juhdi weyn ku bixineynaa 2021 doorasho iney dhacdo, kan waxaan ku raja weynahay inay dhacdo waana wadnaa howshaas, guddi doorashaa la sameeyay, Dastuurka waxaan rabnaa in sanadkaan intuusan dhamaan gabagabeyno, waliba doorasho tii ka duwan aynu sameyno” ayuu yiri Mursal oo wareysi siiyay Horn Cable TV.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.comĀ