Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Qoorqoor ”Waa lagu guul-dareystay dhex-dhexaadintii Madaxda DFS & D/goboleedyada”

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad gobleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in howlihii dhex-dhexaadinta aheyd ee uu ka dhex waday Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay guuldareysteen.

Qoorqoor ayaa waxa uu sheegay in dhex-dhexaadintiisii ay tanaasul badan sameeyeen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, hayeeshee uu wax jawaab ah ka waayay Madaxweynayaasha Puntland iyo jubbaland.

”Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Galmudug ayaa hadalkaan sheegay xilli uu kulan ay isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, islamarkaana ay ku dhawaaqeen in doorashada la qabanayo.

Halka hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...