Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Puntland oo dagaal ku qabtay Maxaabiis Al-Shabaab ah & Wararkii ugu dambeeyay

Galgala (Halqaran.com) – Warar ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya, in dagaal khasaare geystay uu ka dhacay deegaannada Galgala iyo Bali-Khadar ee gobolkaasi, waxaana halkaasi ku yaalla saldhigyo ay ciidamada Difaaca Puntland ay leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid, ka gadaal markii Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay lahaayeen Ciidamada Puntland.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland, halka Saddex kale ay ku dhaawacmay.

Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland ee PMPF, Baari Salaad Axmed ayaa sheegay inay Ciidamada iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Baari Salaad Axmed ayaa sheegay in ilaa 10 dagaal yahan ay ka dileen Al-Shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen Xubno kale.

Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland ee PMPF ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in Ciidamada Puntland ay ku jiraan feejignaan la xiriirta amniga.

Si kastaba, deegaannada Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay weeraro lagu qaaday Ciidamada Puntland, waxaana mas’uuliyada weeraradaas sheegta Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...