Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug lagu soo gabagabeeyay Shirkii Madaxda DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, inkastoo ay ka maqnaayeen maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamullada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay shirka ka soo saareen War-murtiyeed ka kooban ilaa iyo 15 qodob.
Waxaa ku xusan war-murtiyeedka, in lagu heshiiyay in doorashada dalka ay noqoto mid deegaan doorasho, Dowlad Goboleed kastana laga hirgeliyo ugu yaraan afar deegaan doorasho, oo doorashada ay tahay inay ka dhacdo.
Hannaanka Doorashada Deegaameysan ayaa dhigaya in deegaannada lagu soo dooranayo Xildhibaannada la kordhiyo, lana gaarsiiyo illaa 4 deegaan.
Sidoo kale, Ergada soo dooraneysa ayaa la gaarsiiyay 301 Ergo oo hal Kursi dooranaya, halka ilaa 3 Kursi hal mar ay dooraneyso 903.
Halka hoose ka akhriso War-murtiyeedka shirka Dhuusamareeb 3:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







