Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Mareykanka oo War culus ka soo saaray Shirka Dhuusamareeb, Qaswadayaal ku tilmaamay Puntland & Jubbaland

Muqdisho (Halqaran.com) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa xalay qoraal kooban ka soo saartay Shirka Dhuusamareeb 3, oo kala qaybsanaan ka dhex abuuray dhinacyada Soomaalida.

War qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu Soomaaliya ka caawiyay, sidii ay dhinacyada isugu taggi lahaayen Shirka Dhuusamareeb 3, balse ay shirka caqabad ku yihiin kuwa ka maqan.

“Mareykanka wuxuu Soomaaliya kala shaqeeyay in dhammaan isugu taggaan miiska wadahadalada ee Dhuusamareeb 3, balse ma caawineyso maqnaanshaha kuwa maqan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka waxaa lagu iftiimiyay in la hawlgalaasha (Puntland iyo Jubbaland) ay iska diideen inay ka qaybgalaan shirka, isla markaana ay himilooyinkooda gaarka ahi u huraan dimuqraadiyadda dalkooda.

Mareykanka ayaa Madaxda Dhuusamareeb ku sugan ugu baaqay inay horey u socdaan, iyagoo markaasi ka duulaya waqtigii lagu ballamay inay wada kulmaan.

“La hawlgalayaasha/qaswadayaasha ayaa diidaya ka qaybgalka inay dimuqraadiyadda u huraan himilooyinkooda. Dhinacyadu waxay u baahan yihiin inay horey u socdaan, iyagoo markaasi leh hannaan waqtigii lagu heshiiyay ah.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Waxaa tan iyo Sabtidii ku sugan magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana ka maqan Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweyneyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni Jubbaland iyo Puntland ayaa toddobaadkan iska diiday inay ka qaybgalaan shirkaasi, ka dib markii ay walaac ka muujiyeen habdhaqanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoona ku baaqay in la helo cid damaanad ka noqoto inay dhaqangeli doonaan waxyaabaha lagu heshiiyo.

Ugu dambeyn, shirka Dhuusamareeb Saddex ayaa ujeedkiisu yahay in dhinacyadu kaga wadahadlaan arrimaha doorashooyinka ee dalka, go’aan wadajir ahna ka soo saaraan nooca doorasho ee dalka laga qaban karo 2020/21.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...