Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweynaha Somaliland oo shaaca ka qaaday inuusan laheyd awood uu ku kororsado muddo xileedka.

Hargeysa (Halqaran.com) – Muuse Biixi Cabdi, Madaxdweynaha Somaliland, ayaa sheegay in xisbiyada muraacadka ah ay tuhunsan yihiin inuu muddo xileedka dheeraysan rabo, balse aanu taa sharci u haysan.

Mar uu xalay magaalada Ceerigaabo kula hadlay waxgaradka iyo madaxda dhaqanka gobolka Sanaag, ayaa Madaxweynhuhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dibedbixii 9-kii June ka dhacay Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku sheegay sababta keentay in xukuumaddiisa ay mucaaradka u oggolaan weydo inay qabsadaan mudaharaad nabdoon, sida ay ku doodeen hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarad.

“Waraaq wargelin ah ayay soo qoreen, waxaa la yiri isu-key keena, wayna ka xanaaqeen oo waxba nooma oggola oo way na meer-meerinayaan bay dhaheen. Dhibaato aynaan u baahnayn baa ka dhacday. Hadday dad ku dhaawacmeen, hadday xarig tahay, hadday buuq tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen taageerayaashiisa dibedbaxayay, ilaa haatanna ay xiran yihiin mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga.

Ugu dambeyn, madaxweyne Muuse Biixi ayaa xusay, inuu diyaar u yahay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka taagan, wuxuu intaas raaciyay in dunida ay caadi ka tahay in la isku maan-dhaafo arrimaha doorashada.

Halkan ka Dhageyso Codka Madaxweyne Muuse Biixi oo dhammeystiran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...