Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

Wafdi uu horkacayo Ergayga MW Jamhuuriyadda u qaabilsan Arimaha Bani aadamnimada oo gaaray Magaalada Buule-burte.

Buulo-burte (Halqaran.com) –Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha dalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Maanta gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Safarka ayaa waxaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku wehlinayay xubno ka socday hay’adda cuntada Adduunka ee WFP iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Buulo burte kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada, Bulshada Rayidka, Saraakiil iyo Dad kale oo loo diyaariyay Soo dhaweyntooda si ay uga xog-warramayaan Degmadaan muddada dheer go’doonsan.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Uqaabilsanaha arrimaha Gurmadka Abaaraha JFS Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubnaha ka socoda WFP ayaa la filayaa in ay dadka Magaalaasi gaarsiiyaan Gurmadka loogu talagalay dadka ay abaaabaaruhu halakeeyeen,

Ugu Degmada Buulo-burte ayaa ah degmo ay Al-shabaab sanado badan Go’doomiyeen, waxaana degmadaas ay Mas’uuliyiinta ku tegaan diyaarad, sidoo kalena waxaa kunool qoysas danyar ah oo saameyn ay ku yeelatay Abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...