Wednesday, July 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay ka jawaabayaan weerarkii Xabsiga Boosaaso

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay weerarkii Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso iyo howlgalladii ay Gobolka Bari ka fuliyeen Ciidamada Puntland.

Mr Deni oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa marka hore sheegay in howlgallada Ciidamada Ammaanka ay meel wanaagsan marayaan, islamarkaana Al-Shabaab weeraray Xabsiga laga dhigay, wax la dilay, wax la qabtay, isaga oo u mahadceliyay Ciidamada Shacabka Boosaaso iyo Ciidamada howlgalka fuliyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay aslkrtii ku dhimatay weerarkii Xabsiga dhexe, sidoo kalena ay abaalmarin doonaan, kuwii howlgalka fuliyay, waxaana uu Shacabka ka codsaday inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Sidoo kale, wuxuu sheegay, Deni in Ciidamada Amniga ay yihiin kuwa mar walba diyaar u ah sugida Amniga, islamarkaana jawaab deg deg ah ay ka bixin doonaan weerarka tallaabana ay ka qaadi doonaan dadkii ay ku cadaato inay soo abaabuleen.

”Puntland waxay ku jirtaa heegan buuxa, ficilka dhacayna sida ugu wanaagsan baan uga falcelinaynaa, dadkay ku cadaato inay qayb ka ahaayeena waxaan rajeyn inaan ka abaal marinno oo wajibkooda la mariyo‘‘ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso.

Ugu dambeyn, hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli habeen ka hor la weeraray Xabsiga Dhexe ee Boosaaso, islamarkaana la sheegay in Al-Shabaab ay siidaayeen qaarkoodna ka xeysteen dadkii ku xirnaa Xabsiga.

Halka hoose ka dhageyso Codka Madaxweyne Saciid Deni:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...