Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo war ka soo saaray qaraxii Jimcaha ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamacada Carabta Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii argagaxisadu ku laayeen dad shacab ah oo maqaayad ku sugnaa Jimcihii, kaas oo ka dhacay degmada Xamar-jajab ee gobalka Banaadir.

Adel bin Abduulrahman Al-Asoumi ayaa waxa uu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo baarlamaanka carabtu u hayo Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya uuna taageersan yahay dadaalada ay wado ee argagaxisada lagula dagaalamayo.

Guddoomiyaha wuxuu ku nuux nuuxsaday diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta caalamiga ah, islamarkaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida.

Ugu dambeyntii, wuxuu guddoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...