Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Aabe gabadhiisa u dilay xiriir ay wiil la sameysay!

Pandetara (Halqaran.com) – Dil argagax leh ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Pandetara oo ka tirsan Uttar Pradesh ee dalka Hindiya, kaddib markii nin lagu magacaabo Sarvesh Kumar uu dilay gabadhiisa, isagoo sabab uga dhigay dilkeeda in uusan ka helin wiil ay saaxiibo ahaayeen.

Muuqaallo laga soo duubay ayaa muujinaya in Sarvesh uu madaxa ka gooyay Neelam oo 17-jir aheyd, muuqaallada ayaa waxaa laga arkayay ninkaan oo maraya dariiqyada, isagoona sita madaxa gabadhiisa oo dhimatay tuulada Pandetara oo ka tirsan Uttar Pradesh, sida ay ku warantay NDTV.

Ninkaan ayaa u muuqday mid aan walwal qabin, waxaana muuqaallada laga arkayay isaga oo si caadi ah ula hadlaya mid kamid ah dadkii ku soo baxay.

Waxa uuna sidoo kale ka jawaabayay taleefankiisa, dadka deegaanka ayaa isku hareereeyay, waxaana markii dambe goobta soo gaaray booliska.

“Waan sameeyay, cid kale ma aysan sameynin, jirkeeda guriga ayuu yaalaa” Kumar ayaa sidaas u sheegay booliska. Kumar xaaskiisa ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in la xiray.

Boqolaal qof oo haween u badan ayaa ku dhintay gudaha dalka Hindiya, waxa loogu yeero “Dil Sharafeed” tan iyo 2014-tii, sida lagu sheegay xogta dowladda.

Dilalka noocaan oo kale ah ayaa waxaa fuliya xubno ka tirsan qoyska, iyagoo rumeysan in xiriirku uu deegaanka ceeb u keenay.

Sayid Omar Hajji – Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...