Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Iska Horimaad Khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Laascaanood & Wararkii ugu dambeyay

Laascaanood (Halqaran.com) – Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya iska hor-imaad xooggan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay Saldhi ay ku leeyihiin ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool gaar ahaan duleedka magaalada Laascaanood.

Wuxuu iska hor-imaadkan ka dhacay Buurta-Sayidka ama geerashka Khaarijiye.

Wararka ayaa sheegaya in ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaan qaar ka mid ah askarta ciidamada Somaliland, sidoo kale dab la qabadsiiyay mid ka mid ah goobo ay ciidamada gudaha u galeen, sida hadalka loo dhigay.

Hoggaamiyaha Khaatumo, Col. Feysal Faalug, ayaa sheegay in kooxdiisa ay geysteen weerarkaasi oo habeenimadii xalay lagu soo qaaday ciidamada degan buurta-sayidka Laascaanood.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool ee Somaliland Axmed Cabdullaahi Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu tagay Goobta ay wax ka dhaceen, islamarkaana uu soo Arkay Rasaas ka dhacday Saddex Qori, Wuxuuna xusay inaanu jirin khasaare soo gaadhay  Ciidamada,   Balse wuxuu xusay in lasoo qabtay dadka Arintaasi lagu Tuhmayo

Laakiin warar madax banaan ayaa sheegaya, in labada dhinac ee iska hor imaadku dhexmaray uu soo kala gaaray khasaare dhaawac ah, sida dadka deegaanka u xaqiijiyeen Halqaran.com.

Maleeshiyaad u dhashay deegaanka Sool, oo kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada Somaliland ee gobalkaas ayaa marar badan fuliya weeraro habeenimo, kuwaas oo ay la beegsadaan ciidamada Somaliland.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...