Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

DHACDO NAXDIN LEH: Oday Waayeel ah oo fal argagax leh maanta ka geystay gobolka Togdheer

Togdheer (Halqaran.com) – Warar ka imaanaya gobolka Togdheer, ayaa sheegaya, in Axaddii maanta halkaasi dhacdo naxdin leh ay ka dhacay, kaasoo uu geystay Oday waayeel ah.

Odaygan waayeelka ahaa, ayaa dilay saddex carruur ah oo uu adeer u yahay, iyagoona isla goobtii lagu dilay durba ku geeriyooday.

Wararka aynu helayno ayaa tibaaxay, in odaygan uu saddexda carruur uu ku dilay deegaanka lagu magacaabo Dhagax-dheer oo ka tirsan deegaanno hoostaga gobolka Togdheer.

Carruurtan la dilay, ayaa lagu soo warramayaa in dhammaatood ay Walaalo ahaayeen, midka ugu weynna uu ahaa 4 sano jir.

Guddoomiyaha deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada carruurtaasi, isagoona sheegay, in carruurtaasi ay ku dhinteen gacanta oday waayeel ah oo adeerkood ahaa oo maskaxda looga jiray.

Ciidamada Booliska Somaliland oo goobta falka dilka ah ka dhacay tagay, ayaa goor dambe gacanta ku soo dhigay odayga dilka saddexda carruurta ah ee wada dhashay.

Ma jirto ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka iyo laamaha ammaanka ee gobolka Togdheer.

Warar ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la filayo in laamaha ammaanka ee gobolka Togdheer ay faah-faahin ka bixiyaan falkaasi naxdinta leh.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...