Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

AKHRI: Sharci cusub oo saameyn doona Soomaalida dalka Jarmalka oo bishan August soo baxay!

Xarunta Hay’adda federaalka ee qaxootiga iyo socdaalka dalka Jarmalka. /Photo Credit: Bild.de

Berlin (Halqaran.com) – Hay’adda federaaliga ah ee qaxootiga iyo soo-galootiga ee magaceeda loo soo gaabiyo (BAMF) ayaa boggeeda ku soo daabacday sharci cusub oo saameynaya bulshada Soomaalida ku nool dalkani Jarmalka.

Hay’adda Qaxootiga iyo socdaalka ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in dadka aan weli sharciga qaadan oo weli codsanaya magangalyada (Asylbewerber), laakiin ka soo jeeda dalalka ka ah Syria iyo Eritrea kaliya loo oggolyahay in ay ka qeyb qaadan karaa Koorsooyinka Is-dhexgalka ee magangalya doonka ee dalka Jarmalka

Soo-galootiga Soomaalida, Iiraanta iyo Ciraaqiyiinta oo hore uga mid ahaa liiska dadka rajada laga qabo inay qaabilaad boqolkiiba 50% ka sarreysa ka helaan dalkani Jarmalka (Guter Bleibesperspective), ayaa hadda aanu ku jirin liiskaasi, balse dhawaan laga saaray sida ay hay’adda Qaxootiga qaabilsan ee BAMF shaaciyay.

Warbixintaan ayaa lagu sheegay, in dadka sharciyada leh nooc walba oo uu  yahay oo ay Soomaalidu ku jirto in loo oggolyahay, inay ka qeyb galaan koorsooyinkaasi is-dhexgalka ah.

Laakiin Soomaalida iyo dalalka kale aanu kor ku soo xusnay ee weli codsanaya magangalyada (Asylbewerber) uu sharcigan cusub aad u saameyn doono, iyagoo aanu heli doonin koorsooyinkaasi is-dhexgalka ah, sida warbixinta Hay’adda BAMF ay ku qeexday.

Sidoo kale, hay’adda federaaliga ah ee qaxootiga iyo soo-galootiga ee magaceeda loo soo gaabiyo (BAMF) ayaa sheegtay, in uu qofku waayi karo ama uusan aadi karin Koorsooyinka is-dhexgalka magangalyadoonka ilaa uu sharci ka heli dalkani Jarmalka.

Halkaan Riix si aad u akhrisato warbixinta Hay’adda BAMF oo Af Jarmal ah.

Haddaba, wixii macluumaad ah oo ku saabsan arrimaha soo-galootiga ku nool dalkani Jarmalka, gaar ahaan wararka Soomaalida Jarmalka kala soco warbaahinta Halqaran.com insha allaah.

Xafiiska Halqaran.com, Bremen
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...