Wednesday, December 10, 2025
28.3 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Booliska Somaliland oo soo qabtay raggii dilay dad muhaajiriin Itoobiyaan ah & Taliye Fooxle oo ku…

Hargeysa (Halqaran.com) – Taliska ciidamada booliska Somalilaan ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag burcad ah oo la tuhunsanyahay in ay dileen laba ruux oo muhaajiriin ah laba kalena dhaawacay xilli ay ku safrayeen baabuur duleedka magaalada Hargeysa.

Taliye xigeenka ciidamada booliska sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in raggan ay soo qabqabteen ay ku eedeysan dil iyo dhaawac loo geystay dadka muhaajiriinta.

Qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee Hargeysa ayaa xaqiijisay in dadka ku waxyeeloobay falkaasi ay yihii muwaadiniin u dhashay dalkeeda.

Taliyaha ayaa sheegay in ay haatan ku jiraan baaritaan kiiska raggan ay soo qabteen gadaalna ay kasoo saari doonaan naatijada baaritaanka.

Dalka Soomaaliya ayaa marin u ah sanad walba boqollaal Itoobiyaan ah oo u tahriiba dalalka gacanka carbeed iyo Yurub kuwaaso oo raadinaya nolol dhaanta midda dalalkooda.

Hoos ka dhageyso taliye xigeenka ciidamada booliska Somaliland:

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...