Buulo-burte (Halqaran.com) – Ciidanka xoogga Dalka Soomaliyeed ee ka hawlgalla dagmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa subixii Khamiista maanta howlgal qorsheysan waxay ku qaadeen deegaanka Afcad oo hoos yimada degmadaas oo ay ku sugnayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxa hoggaaminaya taliyaha qeybta 27aad Janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.
Taliyaha qeybta 27aad Janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) aya sheegay inay dagaalka ku dileen15 dagaalame, sidoo kalena ay ku burburiyeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa inta deegaannada Gobolka Hiiraan laga saarayo Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar Ciidanka dowladda la beegsada qaraxyo iyo dagaal toos ah.
Howlgalladii ugu dambeeyay oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameyeen degaano u dhaxeeya degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan, waxaana saraakiisha qeybta 27aad ay sheegeen inay guulo ka gaareen howlgalladaas.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





