Saaxil (Halqaran.com) – Shil gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawaac ayaa waxa uu maanta ka dhacay deegaanka Lafaruug oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ee Somaliland.
Shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari nooca raaxada ah oo ku wajahnaa Magaalada Berbera, kadib markii uu wadada ka baxay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Isuduwe ku-xigeenka horumarinta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Saaxil Cabdiladiif ayaa sheegay in Gaariga ay saarnaayeen Afar qof oo uu geeriyooday mid kamid ah oo ahaa Darawalka Gaariga halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dadka shilka ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada Berbera si loogu daawo dhaawacooda.
Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada waddooyinka ee Somaliland iyo dadweynaha ku nool deegaanka Lafaruug ayaa gurmad u sameeyay dadka ku dhaawacmay shilka Gaari, kuwaas oo la geeyay Isbitaal si loogu daaweeyo.
Si kastaba, taliska ciidamada nabadgelyada waddooyinka ee Somaliland ayaa goor sii-horeysay sheegay in waayadii dambe deegaannada Somaliland ay kus oo bateen shilalka gaari, isla markaana kuwii ugu badnaa ay dhaceen Sanadkii la soo dhaafay ee 2020.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





