Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Kismaayo oo ka billaabatay diiwaan-gelinta Musharraxiinta Aqalka Sare

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa Arbacadii maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda kmg ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ka billaabatay diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee BF Soomaaliya qeybta ka imaanaya Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ayaa diiwaangeliyay musharraxii ugu horreeyay, isla markaana la siiyay Shahaadada musharraxnimo, kaas oo lagu Magacaabo Ilyaas Baddal Gaboose.

Waxaa sidoo kale socota diiwaangelinta Musharraxiinta Aqalka Sare, kuwaas oo lagu bilaabay 9 Xubnood oo uu shalay u gudbiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo ku tartamaya Afar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaannada Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa la filayaa in guddiga doorashooyinka uu u gudbiyo liiska xubnaha harsan ee musharraxiinta Aqalka Sare si ay uga qeyb galaan doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...