Kismaayo oo ka billaabatay diiwaan-gelinta Musharraxiinta Aqalka Sare

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa Arbacadii maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda kmg ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ka billaabatay diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee BF Soomaaliya qeybta ka imaanaya Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ayaa diiwaangeliyay musharraxii ugu horreeyay, isla markaana la siiyay Shahaadada musharraxnimo, kaas oo lagu Magacaabo Ilyaas Baddal Gaboose.

Waxaa sidoo kale socota diiwaangelinta Musharraxiinta Aqalka Sare, kuwaas oo lagu bilaabay 9 Xubnood oo uu shalay u gudbiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo ku tartamaya Afar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaannada Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa la filayaa in guddiga doorashooyinka uu u gudbiyo liiska xubnaha harsan ee musharraxiinta Aqalka Sare si ay uga qeyb galaan doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com