Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday Ciribtirka Coronavirus +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Covid-19 ahna Wasiirka Wafaafin dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee baasiga iyo ciribtirka Cudurka Coronavirus si dalka oo dhan loogala dagaalamo .

“Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalanno cudurkaan saf-marka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri wasiir Maareeye

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan Guddiga wacyigalinta ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan covid-19.

“Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Muqdisho, waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee Covid-19, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”, sidaas waxaa yiri Basmo Caamir Shakeeti.

Dhinaca kale, masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinyay qatarta uu leeyahay Cudurkaan, islamarkaana u qeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafintaanka cudurkan saf-marka ah ee Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay Ciribtirka cudurkaan.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurkaan Covid-19 ee sameynta ku haya dalka, waxaana dadaal walbo ay ku bixineysaa sidii ay uga hortagi laheyd “ Ayuu ku celiyay wasiirka warfaafin Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Ugu dambeyn, Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka saf-marka ah ee Covid-19 ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhamnaan degmooyinka Gobolka banaadir iyo gobolada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...