Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Silvia Romano oo dadkii u hanjabay ugu jawaabtay Aayado Qur’aan ah.

Milano (Halqaran.com) – Waxaa isa soo taraya hadal-heynta warbaahinta dalka Talyaaniga, taasi oo qabsatay sheeko ku saabsan Silvia Romano oo boggeeda Facebook-ga kusoo qortay aayado quraan ah oo ay ku fasirtay luuqaddeeda.

Ficilkan ayaa u muuqda mid ay Romano ugu jawaabeyso dadka hanjabaadaha iyo dhaleeceynta ugu jeedinaya baraha bulshada.

Silvia Romano ayaa dhawaan dib ugu laabatay dalkeeda, kaddib markii laga sii daayay afduub muddo labo sano ah loogu heystay gudaha dalka Soomaaliya.

Muran hor leh ayey horseedday markii ay soo qortay aayadaha quraanka ah oo dadka ay fikrado badan oo kala duwan ka qaateen ujeeddada ay ka leedahay. Labada aayadood ee ay ku fasirtay luuqadda Talyaaniga ayaa ku jira suuradda Fusilat.

Shukri Siciid, oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan Talyaaniga ayaa laanta Af Soomaaliga ee BBC-da u sheegtay in siyaabaha loo fasirtay ujeeddada Silvia ay ka mid tahay in laga shakisan yahay inay difaaceyso qolyihii afduubtay.

“Hadalkeeda macnihiisa anigu waxaan u fasirtay in maadaama dadka xagjiriinta lagu tilmaamo ee loo aaminsan yahay inay yihiin dad xun ay iyadu leedahay dadkaas aad cadowgaaga u aragtid ee aniga xorriyaddeyda iga qaaday waxaa dhici karta inay saaxiibbadaada dhow noqdaan, laakiin samir bay u baahan tahay. Marka waxaad meeshaas ka dhuuxeysaa in iyada iyo nimankii heystay oo ay u afduubneyd ka gudbeen xadkii qof la heysto iyo qof wax heysta,” ayey tiri Shukri.

Wargeysyada kasoo baxa talyaaniga ayaa aad u falanqeynaya tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadday Silvia, xilli markii hore uu taagnaa muran xoog leh oo ka dhashay muslinnimadeeda.

Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa dhawaan furtay baaritaan ku aadan hanjabaad ka dhan ah Silvia Romano, sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

Kiiska ayaa ilaa hadda socda, waxayna gabadhan ay mar kasoo muuqatay maxkamadda kiiskeeda dhageysaneysa.

Naceybka Silvia loo muujinayay ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxayna dad badan ku doodayeen in ay khalad ahayd sii deynteeda iyo dadaalkii ku baxayba.

Sii-deynta Silvia Romano, ayaa waxaa gacan weyn ka geystayn dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, sida ay sheegeen, sirdoonka Talyaaniga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...