Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Buufinta Ayaxa dul degay deegaanno ka tirsan Puntland oo maanta billowday +(SAWIRRO)

Nugaal (Halqaran.com) – Diyaaradahaan oo dhawaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku wareejisay Puntland ayaa waxaa ay buufinta Ayaxa Maanta oo Talaado ah ka bilaabeen deegaanka Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.

Deegaanka ay buufinta ka billaabeen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhibaato daran ku haayay Ayaxa, waxaana dadka deegaankaas ay sheegeen in beero badan uu baabi’iyay, isla markaana ay Cabasho u gudbiyeen Madaxda Puntland.

Diyaaradaha buufinta ka bilaabay deegaannada Puntland oo ah laba kamid ah kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopterka ayaa waxaa 15-kii Bishaan ay gaareen Magaalada Garoowe, waxaana Mashruucaas lagu buufinayo Ayaxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Buufinta Ayaxa ee deegaannada ka tiran Puntland ayaa waxaa ay socon doonaan muddo 10 Cisho ah, waxaana sidoo kale ay buufin ka sameyn doonaan deegaannada Maamullada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Somaliland.

Deegaanno ka mid ah dhulka beeraha ee Gobolada dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ku habsaday ayax dhibaato ku haayo beeraleyda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...