DF Soomaaliya oo codsi deg-deg ah u dirtay Ha’ayadda IMF

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa si rasmiya uga codsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF in ay dib u dhigto barnaamijka ay dib u eegista ugu samaynayso dhaqaalaha Soomaaliya oo ku eg 17 bishan May 2022.

Codsi ka soo baxday DF Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah ugu saxiixan wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Soomaaliya ayaa codsatay in mudda saddex bilood ah lagu kordhiyo barnaamijkaas ay waddo hay’adda lacagta adduunka ee IMF, islamarkaana la gaarsiiyo 17 Agoosto 2022.

Codsiga dib u dhigidda barnaamijka ayaa dowladdu sheegtay in uu la xiriiro dib u dhacyada hareeyay doorashada dalka oo saamayn ku yeeshay shaqooyin badan oo la qaban lahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com