Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka.
Kulanka ayaa looga hadlay kaalinta ay ururada bulshada rayidka ah ka qaadan karaan arrimaha doorashada madaxweynaha dalka ee dhici doonta May 15, 2022” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Golaha Shacabka.
“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku booriyey bulshada rayidka in ay kaalintooda horumarineed ay sii laba jibbaaraan” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kooban ee laga soosaaray kulanka dhexmaray Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Bulshada Rayidka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tan iyo markii la doortay kulamo kala duwan oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka ka wada, iyada oo muddo kooban ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





