Bakool (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay isku furaan wadooyinka isku xira degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.
Ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo muddo toban sano ah waddooyinkaasi go’doomiyay.
Howlgalkaas ay guusha weyn ka gaareen Ciidanka ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Maxamed Nuur Gurey.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





