Saturday, July 11, 2026
24.7 C
Mogadishu

DF Somaliya ‘‘Taiwan waxay ku soo xad-gudubtay Qarannimada JF Somaliya iyo Sharafteeda‘‘

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay Safaarad maamulka Taiwan uu ka furtay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Taiwan ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya iyo Sharafteeda.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysay isku dayga taxaddarka ah ee Taiwan ee ku xadgudubka Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ku xadgudubtay sharafteeda, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay diidan tahay dhacdooyinka marin habaabinta ah ee doonaya in ay ku abuuraan kala fogaansho iyo kala qeybinta dadkayaga” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay DF Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd Dowladnimadeeda, Midnimadeeda dadkeeda iyo sharafteeda ‘Soomaaliya waxay xaqiijineysaa mowqifkeeda ixtiraamka Mabaadi‘da Awoodda Dowlad Gobaleedyada iyadoo la raacayo Sharciga Caalamiga ah iyo Axdiyada Qaramada Midoobay” ayaa la sii raaciyay Warka kasoo baxay Wasaradda Arrimaha dibada ee Soomaaliya.

Sidoo kale, warka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu yiri, ” Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sidaas darteed ugu yeereysa Taiwan inay joojiso howlaheeda marin habaabinta ah qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mabaadi’daani waa kuwo aan gorgortan gelin karin Dowladda Federaalka ah‘‘.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, inay qaadeyso tallaabooyin lagama maarmaan u ah qaanuunka caalamiga ah, si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka iyo Madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...