Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxa ay sheegtay, in guddiga farsamada Doorashooyinka Qaran ee lagu dhisay Dhuusamareeb in uusan wax wadatashi ah la sameyn Madasha.
Madasha ayaa waxay kaloo sheegtay in aanu jirin kulan dhexmaray labada dhinac oo looga tashanayo arrimaha doorashooyinka dalka.
Madaxda Madasha ayaa ka digay in muddo kororsi ay sameystaan golayaasha dowladda iyo in uu firaaq dastuuri ah ku yimaado hay’adaha sharci dejinta dalka.
Sidoo kale, Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka tacsiyeeyay dadkii lagu laayay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday Elite Hotel ee ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Haddaba halka hoose ka akhriso War-murtiyeedka Madasha:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






