Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

DF Somaliya oo ka digniin culus ka soo saartay dabeylo xooggan oo ku soo wajahan Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aadan dableyo suuragal ay tahay saacadaha soo na soo aadan inay ku dhuftaan deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dabeylahaan la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socdo, si gaar ahna uga dhacaan degmooyinka Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka iyo Baraawe oo ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, digniinta Wasaaradda ayaa lagu xusay dabeylaha in laga cabsi qabo inay gaystaan Burbur hantiyadeed oo soo gaaraya dhismayaasha iyo Sidoo kale doomaha ay isticmaalaan Kalluumeysatada.

Digniinta Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya ka soo baxday, ayaa ku soo aadeyso, iyadoo waqtigan lagu guda jiro xilliga xagaaga, islamarkaana roobka uu ka da‘ayo meelo kala duwan oo Soomaaliya ah.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Dowladda:

Xafiiska Wararka Halqaran.cm
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...