Hargeysa (Halqaran.com) – Dawladda Ingiriiska ayaa weli ku dhegan mawqifkeeda ah in dalalka gobalka ee Afrika ay horseed ka noqdaan aqoonsiga Somaliland iyo heshiis dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya.
Tifaftiraha wakaalada wararka ee Thomson Reuters Foundation Belinda Goldsmith oo dhawaan socdaal ku timid Somaliland ayaa diyaarisay warbixin dheer oo xiiso badan oo ay ku soo bandhigtay saamaynta isbedelka cimilada ay ku yeelatay Somaliland.
Warbixinta waxa lagu sheegay baahida ay Somaliland u qabto aqoonsi caalami ah oo ay kaga bixi karto xaaladda dhaqaale iyo nololeed ee ay ku jirto, iyadoo haddii la aqoonsado ay dunida ka heli doonto maalgashi caalami ah oo ka qayb qaadan doona horumarka.
Wasiirka horumarinta deegaanka Marwo shukxi Xaaji Baandare oo Reuters ay la kulantay ayaa sheegtay in isbedelka cimilada laga dareemay Somaliland, waxase ay xustay in dadka reer Somaliland tashadeen.
“Waa ummad dhaqaaqday,”ayey tiri Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Bandare oo xafiiskeeda ugu warrantay Thomson Reuters, waxaanay intaas ku dartay; “Isbeddelka cimiladu dhab ahaan waa laga dareemayaa Somaliland, waana arrin masiibo ah.”
Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo Keydka Raashinka Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay in Somaliland wajahayso caqabado badan oo ay ka mid yihiin saboolnimo iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo hooseeya.
“Ma lihin wabiyo iyo meelo kale oo biyaha aanu ku qabsanno, waxay nolashayadu ku tiirsan tahay gabi ahaanba roobka. Mana helo deyn aanu ka soo qaadanno dalalka caalamka,” ayuu yiri Faysal Cali Sheekh oo u Warramay Thomson Reuters.
Waxa kaloo Wakaaladdu intaas ku dartay in 50% dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo 64% ku nool miyiga Somaliland ay yihiin dad danyar ah.
Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah haweenaydii u horreysay ee noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in nolol dhaqameedkii reer guuraagu ay baaba’day. Marwo Edna Aadan waxay ku dooday in halganka Somaliland ugu jirto aqoonsigu uu muhiim u yahay mustaqbalka dalka. “Marka lagu aqoonsan yahay, dadku way kuu imanayaan si ay kuu maalgashadaan,”ayey tiri Edna Aadan.
Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska Ayaan Maxamuud, ayaa sheegtay in haddii la aqoonsado Somaliland iyo haddii kaleba ay shacabku samaynayaan horumar.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Deni oo si cajiib ah loogu soo dhaweyay Garacad
- WAR DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho
- XOG CUSUB: Mareykanka oo ka hadlay duqeyn culus oo uu ka fuliyay Jubbada Hoose & Khasaare gaaray..
- WAR XASAASI AH: JABHAD cusub oo ka dilaacay gobolka Awdal, una hub-aruursanaya Xukuumada Somaliland
- ARAG SAWIRKA: Madaxweyne Trump oo aqoonsaday Safiirka cusub ee Somaliya ee dalka Mareykanka + Taariikh kooban
- DAAWO SAWIRRO: Kulankii Duqa Muqdisho iyo hoggaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, maxaa ka soo baxay?
“Haddii nala aqoonsado iyo haddii kaleba waxaannu nahay dal doonaya inuu dadkiisu sameeyo horumar,”ayey tiri Ayaan Maxamuud oo tilmaantay inaanay cidina doonayn inay qaado talaabada koowaad.
Isku soo wada duub, Xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska, ayaa afhayeen u hadlay oo wakaaladan u waramay wuxuu sheegay in mawqifka Ingiriisku yahay inay Somaliland iyo Soomaaliya iyagu go’aan ka gaaraan sida uu noqonayo mustaqbalkoodu.
“Waxaanu si cad u aaminsanahay inay u taalo Somaliland iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda”.
⇓ Sii Akhri Warar kale oo Xiiso Leh:
DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Deni oo si cajiib ah loogu soo dhaweyay Garacad
WAR XASAASI AH: JABHAD cusub oo ka dilaacay gobolka Awdal, una hub-aruursanaya Xukuumada Somaliland
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com