Garacad (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdilaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray maagaalo Xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug.
Mr. Deni safarkiisa ayaa waxaa ku wehelinaya ganacsato, kuwaa oo doorbidaya in ay maalgashi ku sameeyaan dhismaha dekedda Garacad oo hab isku-tashi ah lagu dhisayo.
Inta uu jooga magaalada Garacad madaxweyne Deni ayaa waxa uu dhagax-dhigi doonaa wajiga labaad ee dhismaha dekedda Garacad, isagoo kormeer ku samayn doona qaybaha ay ka kooban tahay dekedda iyo hanaanka ay u socoto shaqada dekedda.
Dadka deegaanka ee soo dhowaynayay Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa watay sawirro lagu muujiyey Khayraadka dalka.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Ahlu Sunna Waljamaaca, Maxaase lagu heshiiyay?+ XOG
UPDATE: ”Dayac ayaan kala kulmay Giriiga, Soomaaliyana kuma noqon rabo” waxa yiri..
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com