DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Xildhibaanno ka mid ah Somaliand oo Jawaab deg-deg ah ka bixiyay hadalkii Muuse Biix ee uu kaga laabtay Saldhiga Imaaraadka ee Berbera?

Hargeysa (Halqaran.com) – Xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiillada Xukuumadda Somaliland oo wareysi siiyay Bulsho TV ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadalkii uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee  ahaa in heshiiskii Saldhiga imaaraadka ee Berbera uu ka noqday.

Xildhibaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah xildhibaannada laga soo doortay gobolka Saalax oo horey si adag uga soo horjeeday, in ciidamada imaaraadka ay saldhig militeri ka sameystaan garoonka Berbera ayaa taageeray hadalka Muuse Biixi uu shalay ka sheegay Berbera.

”Warkaan markii aynu shalay maqalnay, runtii dadkii aad bay u soo dhaweeyeen, waana arrin aad loogu farxmo, heshiiskaasi wuxuu ahaa mid Somaliland muran badan ka dhaliyay, heshiisyo waa la geli karaa, laakiin heshiiskaas noocuu ahaa buu dadku ka shakiyay”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xuseen.

Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Maxamed oo isna ka mid ah xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ayaa taageeray hadalka Muuse Biixi, isagoo sheegay in garoonka Berber uu noqdo shacabka

”Haddii uu Muuse Biixi u arkay  garoonka Berbera inuu ka dhigo mid madani ah oo ay diyuuradaha waa weyn ay ku soo dagaan, Airpor-kii Alxamdu lilaah haddii uu jihadaasi u jiheeyay, waana mid dadka u wanaagsan, Airporkana wuxuu u joogay mar walba inuu shaqeeyo”,  ayuu yiri Xildhibaanka

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaa raaciyay, ”Muuse garoonka Berbera Meeshii uu militeri ka ahaa inuu rayid ka dhigo waa wax aynu ku taageersanahay”.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

Muxuu RW Kheyre u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka ee uu Muqdisho kula kulmay? + Akhri Xog cusub

DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland oo sheegay in la soo afjarayo la dagaallanka Al-Shabaab & Daacish

XOG XASAASI AH: Maxaa ka Ogtahay in DF Soomaaliya ay ku guuleysatay inay joojiso dhismaha Saldhigii Imaaraadka ee Berbera? (Maxaa cusub)!

DAAWO SAWIRO: Madaxweyne Farmajo gaaray magaalada Dhuusamareeb, Yaase soo dhaweeyay!

DAWO MUUQAAL: Muqdisho oo laga hirgeliyay Shirkad sameysa Oxygen-ka Isbitaallada loo qeybiyo

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com