Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland Deni ”Waanu kordhinay la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish”

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo Talaadadii maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha amni ee kajira deegaannada Puntland, qorshayaasha Xukuumaddiisa horyaalla iyo waxyaabaha u qabsomay.

Mr. Deni oo ka hadlayay dhinaca amniga ayaa sheegay in laamaha Amniga Puntland ay soo afjareen Shabakado ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka koobnaa 34 Rag ah, kuwaas oo uu sheegay in muddo 13 sano ah qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fulinayay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Deni in dowladda Puntland ay laba jibaareyso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana uu Waalidiinta ka dalbaday inay la socdaan dhaq dhaqaaqa Carruurtooda.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku nool deegaannada Maamulka Puntland inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga si ay nabadgeliyo ugu wada noolaadan.

Ugu dambeyn, hadalka Madaxweynaha Puntland Deni ayaa ku soo beegmaya, xilli mararka qaar Xubno ka tirsan Ururada Al-Shabaab iyo Daacish ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliyaan deegaannada Maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...