Galgaduud (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya, in tuulooyin hoostaga deegaanka Bulacle oo ka tirsan gobolkaasi uu dagaal xooggan ku dhexmaray maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ciidanka DF Soomaaliya.
Dad deegaanka ayaa ku soo warramaya in dagaalka uu weli halkaasi ka socdo, iyadoona la maqlayo dhawaqa rasaasta iyo hubka ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.
Sidoo kale warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya in tuulooyinka u dhaw Deegaanka Bulacle ay ka barakaceen dadkii degenaa.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga Khasaaraha uu geystay dagaalkaasi u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay gacanta ku heynta deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





