Wednesday, January 21, 2026
25.1 C
Mogadishu

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo kulan xasaasi ah la yeeshay Cali Guudlaawe

Jowhar (Halqaran.com) – Dr Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Hirshabeelle oo ay wehliyaan labadiisa ku-xigeen ee Siraaji Shekh Isaaq Cabdulle iyo Mahad Hassan Cusmaan ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Waxaa kulankan looga hadlay dardargalnta iyo dhammeystirka howlaha Horyaalla Golaha iyo Guud ahaan maamulka arrimaha doorashooyinka Hirshabeelle .

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo la sheegay in uu kamid yahay musharixiinta Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan doorashooyinka Hirshabeelle.

Guddoonka Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa Khamiistii shalay Magacaabay Guddiga Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas, kuwaas oo la filayo inay dhawaan shaaciyaan jadwalka doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...