Dad shacab ah oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay gobolka Mudug

Mudug (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya laba qarax miino ah oo maanta ay ka dhaceen deegaanno ku yaalla inta u dhaxeysa Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Labadan qarax oo ahaa kuwa dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay inay ka kala dhaceen waddooyinka ka kala yimaada Camaara iyo Kala Beyr, kuwaas oo gala Magaalada Bacadweyne, waxaana labada qarax ay kala qabsadeen gaari nooca raaxada ah iyo mooto bajaaj.

Dad goobjoogayaal  ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo isugu jira Caruur iyo Haween tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Si kastaba, waddada xiriirisa Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug ayaa dagaalol culus waxaa ay ku dhex-mareen Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab, sidoo kalena Ciidamada ay dhowr jeer howlgal miino baris ah ka sameeyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com