Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Dad shacab ah oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay gobolka Mudug

Mudug (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya laba qarax miino ah oo maanta ay ka dhaceen deegaanno ku yaalla inta u dhaxeysa Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Labadan qarax oo ahaa kuwa dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay inay ka kala dhaceen waddooyinka ka kala yimaada Camaara iyo Kala Beyr, kuwaas oo gala Magaalada Bacadweyne, waxaana labada qarax ay kala qabsadeen gaari nooca raaxada ah iyo mooto bajaaj.

Dad goobjoogayaal  ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo isugu jira Caruur iyo Haween tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Si kastaba, waddada xiriirisa Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug ayaa dagaalol culus waxaa ay ku dhex-mareen Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab, sidoo kalena Ciidamada ay dhowr jeer howlgal miino baris ah ka sameeyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...