Mombasa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa garoonka Magaalada Mombasa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya:
Ujeedka safarka ra’iisul Wasaaraha ayaa ah casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.
Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo madax kale oo waddankaas Ka tirsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





