Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Xisbiyada Mucaaradka Wadani & UCID oo ka hor-yimid muddo kordhintii Golayaasha Baarlamaanka Somaliland

Hargeysa (Halqaran.com) – Xisbiyadda Mucaaridka ah ee Wadani iyo UCID ayaa waxa ay si kulul uga hadlay muddo kordhintii Axaddii maanta Baarlamaanka Somaliland iyo Golaha Guurtida loo sameeyay, iyagoona sheegay in arrintaasi ay tahay mid Siyaasadaysan.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa waxay ka hadleen Xaalada ay Somaliland hada ku sugan tahay, iyagoona sheegay in aan la Aqbali karin Golaaha Guurtida oo la doortay 6 Sanno oo hada Fadhiya 24-Sanno ay mar kale Kordhistaan, Baarlamaankana oo la doortay 5-Sanno uu Fadhiyo muddo ku dhow 15-Sanno Sano, hadana mar Saddexaad loo kordhiyey.

Sidoo kale, waxay sheegeen in aysan wax wada shaqayn ah la yeelan doonin Gudiga Doorashooyinka, waxayna sheegeen inay qaadi doonaan Tallaabooyin looga Jawaabayo Muddo kordhinta Cusub ee maanta loo sameeyay.

Ugu dambeyn, xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo Wadani waxay kaloo Cambaareeyeen Weerarkii Xisbiga Wadani iyo Masuuliyiinta laga xiray, Waxayna ka digeen inay sii socdaan arimahaasi.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Xisbiyada:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...