Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Waa sidee xaalada Caafimaad ee Fanaanadda weyn Maryan Mursal?

Fanaanada weyn Maryan Mursal / Photo: Halqaran.com / Screenshot.

Hargeysa (Halqaran.com) –  Fanaannadda caanka ah ee Maryan Mursal Xaaji Ciise Bootaan oo xaalad caafimaad ugu jirta isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Royal ee magaalada Hargeysa ayaa soo wanaagsanaaneysa xaaladeeda caafimaad, kaddib markii uu xanuun ku soo booday.

Maryan Mursal oo magaalada London ka soo duushay ayaa diyaarada dhexdeeda ku xanuunsatay, markii ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hareysana loola cararay goobaha caafimaadka.

”Anigoo ku soo socda Hargeysa oo diyaaraddii soo raacay ayaa lug iyo gacan culays badan ka dareemay, taasoo dadkii la socday diyaaradii iga soo dajiyeen, waxaana la ii keenay Isbitaalkan, haddana waan caafimaad qabaa oo gacantii way shaqaynaysa, balse lugtii baa wali sideedii ku soo noqon oo culays i ah”, ayay tiri Fanaanada weyn Maryan Mursal oo la hadashay Sahan TV oo isbitaalka ku booqday.

Haddaba halka hoos ka daawo muuqaalka wareysi lala yeeshay Fanaanada weyn Maryan Mursal oo weli ku jirta Isbitaalka:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...