Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Waa Imisa lacagaha ka timid beesha caalamka oo ay DF Somaliya u fasaxday maamul goboleedyada dalka? +Ujeedka

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay fasaxday lacago deeq ah oo ka mid ah deeqaha Beesha caalamka ay ugu talo galeen Soomaaliya, kuwaasi oo loo fasaxay qoondadii ay ku lahaayeen Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Somaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Somaliya ay fasaxday lacagtaasi, islamarkaana Maamul Goboled kasta loo fasaxay hal milyan oo doolar.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir laga doonayo in lacagtaan Halka Milyan ah ay inta ugu badan ee ama laba meelood ay u isticmaalaan dhinaca Amniga iyo Arrimaha Bulshada inta soo hartana Go’aankeeda ay iyaga leeyihiin.

Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loogu baaqay inay soo gudbiyaan warqad codsi ah oo ku aadan sida loo isticmaalayo lacagta loogu deeqay, isla markaana ay heystaan mudo 45 Cisho ah.

Ugu dambeyn, maamul Goboledyada lacagta loo fasaxay waxaa qayb ka ah Maamulka Jubbaland oo dowladda Soomaaliya ay kala dhaxeysa xaalad adag oo siyaasadeed, islamarkaana xiriirkooda uu yahay mid aanan wanaagsaneyn.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...