Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barqadii maanta u dhoofay dalka Marykanka, si ay uga qayb galaan kulanka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Ajendaha kulanka madaxda caalamka ee sanadkan ayaa ah xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahayo argagixisada.
Kulanka sanadkan waxaa hal ku dhig u ah “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hor tagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”
Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo inta uu shirku socdo kulamo la yeelan doona madaxda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galaya shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramad Midoobay tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Febraayo 2017-kii.
Wuxuuna safarkiisa ku soo aadayaa isaga oo dhawaan iska celiyey dhalashadii uu ka heystay dalka mareykanka oo uu in badan ku noolaa.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com