Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Sida Muqdisho looga xusay 10 sano guuradii xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho waxaa Arbacadii maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay toban sano guurada ka soo wareegatay dib-u-nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya iyo Turkiga.

Maanta oo kale toban sano ka hor Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo xilligaa ahaa Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ayaa booqasho taariikhiya ku yimid Magaalada Muqdisho, xilli dalka uu wajahayay abaar daran oo dad iyo duunyaba saameysay.

Madaxweyne Erdogan ayaa gurmad iyo gargaar bani’aadanimo oo deg-deg ah soo gaarsiiyay dalka, isagoona dunida tusiyay in Somaliya la taggi karo, xilli dunida u arkeysay dalka aan la taggi karin.

Munaasabadda lagu xusayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalka ayaa lagu qabtay Xerada Ciidanka Cirka ee Afisyooni, waxaana ka qaybgalay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga ee Somaliya, Amb. Mehmet Yilmaz, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa sheegay in tobankii sano ee ugu dambeysay horumar laga sameeyay arrimaha waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

“Tobankii sano ee xiriirka walaaltinimo ee Somaliya iyo Turkiga waxaa la gaaray horumar la taaban karo, oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha, xiriirka labada dhinac, dib u dhiska Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo diblomaasiyadda.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Turkiga oo lagu tilmaamo saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya leedahay ayaa ka taageero dhinacyo kala duwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...