Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee Arbacada maanta ah dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib booqasho saddex cisho qaadatay, oo Isniintii uu ku tagay dalka Masar.
Rooble iyo wafdigiisa oo ka soo laabtay dalkaasi Masar ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in booqashada Ra’iisal Wasaaraha ee dalkaasi diiradda lagu saaray xoojinta iyo iskaashiga xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarashada ay Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.
“Booqashada Ra’iisal Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Somaliya iyo Masar, kordhinta deeqaha waxbarashada Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga. Booqashada Ra’iisal Wasaaraha ayaa si guul ah ku soo dhamaatay.” Ayaa lagu yiri warka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





